Animation

Update+Sawirro: Waa Kuma Xildhibaanka ku Guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Murasade+Magaciisa

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 9:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Magaalada  Cadaado Maanta ka Bilaabata Wejiga Seddexaad ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya .

Ergada ayaa Maanta waxa ay Dooraneysa ilaa 9 Kursi oo Aqalka Hoose ah waxaana Doorashada ay ku Bilaabatay Jawi dagan.

Ergada ayaa u Codeeyay Laba Kursi waxaana ku kala Guuleystay Mustaf shiikh Cali Dhuxulow iyo Xuseen Qaasim Yuusf .

Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa ka guuleestay Musharaxii la tarmayay ee Cabdiweli Nuur Faarax kadib markii uu tanaasulay, Waxaana Xildhibaan Mustaf Dhuxulow qaab gacan taag ah ugu codeeyay 47-ergo oo goob joog ka ahaa hoolka doorashada ka socotay.

Cabdiweli Nuur Faarax ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo tartanka , waxa uuna cadeeyay in aysan jirin cid ku qasabtay in uu tanaasulo balse isaga uu go’aansaday in uu u tanaasulo Xildhibaa Mustaf Dhuxulow.

Mustaf Dhuxuloow waxaa lagu Xasuustaa in uu Ahaa Xildhibaan U Damqada Umadda Soomaliyeed ee Tabaaleysan Sidoo kale Marka uu Wasiirka Warfaafinta ahaa Door weyn ayuu ka qaatay Taakuleynta Masaakiinta iyo Dadka Araga la’ ee Muqdisho ku Nool.

gula_1 gula_2 gula_3 gula_4 gula_5 gula_6 gula_8 gula_9 gula_10 sav_1 sav_2 sav_3 sav_4-1