Animation

Update: Yaa ku soo baxay Doorashadii kursiga beesha jidle ee Hirshabeele oo maanta Muqdisho ka dhacday??

no responses
Saturday February 4, 2017 - 10:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorasho maanta ka dhacday xarunta ciidamada booilsika ee School Polizio ayaa waxaa lagu doortay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamad xasan nuux.

Wasiir nuux ayaa markale kusoo baxay doorashada kursiga beesha jidle ee hirshabeele laga soo doorto waxaana doorashadii horay uga dhacday magaalada jowhar ee wasiir nuux uu horay ugu soo baxay ayaa waxaa diiday guddiga doorashada kadib markii qalalaaso iyo si rasaaseyn ay ka dhacday xaruntii ay ka dhaceysay doorashada ee magaalada jowhar.

Waa markii seddexaad oo wasiir nuux uu u tartamo doorashada kursigaan waxaana laba jeer oo hore guddiga doorashada ay diideen natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii ka dhacay jowhar.

Wasiir nuux wuxuu kusoo baxay 43 cod oo uu kaga guuleestay musharax isaga la tartamaayay inkastoo goobta aysan imaan 5 musharax oo kamid ahaay musharixiin lix ah oo guddiga doorashada ay sheegeen in ay ku tartami doonan kursiga beesha jidle.

Musharaixiinta aan imaan goobta doorashada ka dhaceysay ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in aanba lagu soo wargalinin doorashada maanta ka dhaceysay magaalada muqdisho.

Doorashada 5 kursi oo horay loo laalay ayaa waxaa doorashadooda ay dib uga dhacday magaalooyinka muqdisho . baydhabo iyo kismaayo waxaana dib loo doortay 4 kursi oo ay kusoo baxeen xubnihii horay ay u diideen guddiga doorashada Baydhabo waxaa kasoo baxay xildhibaan horay looge celiyay doorashadiisa sidoo kale muqdisho waxaa lagu doortay kursi horay loogu celiyay galmudug iyo maanta oo lagu doortay kursi horay loogu celiyay hirshabeele iyo puntland oo kursigeeda iyadana dib u dooratay waxaana harsan doorashada kursiga 5-aad ee lagu celiyay jubbaland.