Animation

UPDATE :- Xubnaha Aqalka Sare ee Somalia oo la kordhiyay iyo wararki ugu danbeeyay ee Madasha..

no responses
Saturday September 10, 2016 - 5:29 under Breaking News by admin
mqdefault

Wararka ay Kismaayo24 ka helayso xarunta Madaxtoyada Somalia ee Villa Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in Saxiixeyaasha Madasha Qaranka ay isla fahmin in ugu yaran 10 xubnood oo dheeri ah lagu daro Aqalka Sare.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare inta badan lagu magacaabi doono Gobolka Banaadir balse lagu qaybsan doono qaab qabiil.

Sido kale waxaa jirta in ugu yaraan labo xubnood logu daraayo xubnaha Somaliland ay ka heleen Aqalka Sare ee Somalia.

Wararki ugu danbeyay ayaa waxaay tibaxayaan in xubnaha madasha ay inta badan isku fahmeen qodobadii la isku mari lahaa maalmihii ugu danbeyay balse hada lagu mashquulsan yahay qodobo dhowr ah oo dhanka doorashada iyo waqtiyadeeda ku adan.

Sida ay Kismaayo24 xog hoose ku heshay waxaa lagu wada in mar sadexaad ay wax iska badalan jadwalki doorashada Somalia madaama waqtiga harsan uu aad u yaryahay.

Isha ku hay Kismaayo News Agency oo daqiiqad daqiiqad idinku soo gudbindoonta Wararki ugu danbeyay ee shirka Madasha iyo guud ahaan xaalka Soamlia .