Animation

Update: Xildhibaano iyo Masuuliyiin Puntland ka tirsan oo Hotelka Dayax Dagnaay ayaa la sheegay in ay…..

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Weerarkii saakay Alshabaab ay ku qaaday Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdishio halkaasi oo la sheegay in ay Dagnaayeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka .

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa la sheegay in Hotelka ay dagnaayeen waxaana sidoo kale hotelka dagnaay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland Xaaji Xusseen Yaasiin, Garaad Jaamac Garaad Cali, Ismo kale iyo Xildhibaano reer Puntland ah ayaa ka mid ahaa dadkii daganaa hotelka Weerarka ay ku qaadeen Shabaab.

Xubnahaan Puntland ka tirsan ayaa la sheegay in ay ka bad baadeen Weerarkii lagu soo qaaday Hotelka Dayax oo ay Dagnaayeen waxaana lasoo warinayan in Hada Xaaladooda Caafimad ay tahay Mid taam ah Markii laga Reebo Argagax ay ka qaadeen Weerarkii Lama filaanka ahaa ee Shabaabku ay kusoo galeen Gudaha Hotelka.

Masuuliyiinta Puntland waxaa la sheegay in Ammaankooda ay la Wareegeen Ciidamo ka socda Xafiiska Raisul wasaare Sharmaarke.

Qasaaraha ugu dambeeyay ee laga helaayay Laamaha Caafimaadka waxa ay sheegayan in ku dhawaad 10 Ruux ay dhinteen in ka badan 45 kalana ay dhaawacmeen .