Animation

Update: Xildhibaanada Galmudug oo Jawaahir Axmed Cilmi u doortay Kursiga Lixaad ee Xubnaha Aqalka Sare kadib Tartan adag

no responses
Sunday October 16, 2016 - 9:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug  Waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka Galmudug , waxaana xubnahaasi dooranaya Golaha Wakiilada  maamulka Galmudug.

Hoolka ay ka socoto doorashada ayaa waxaa soo buux dhaafiyay  Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka galmudug  iyo korjoogayaal doorashooyinka ah , waxaa Shalay  Xildhibaanadu ay doorteen  Shan xubnood ,iyadoona maanta ay dib ubilaabatay doorashada ayaa durbadiiba xildhibaanadu ay doorteen Kursigii Lixaad ee aqalka Sare umatalaya Maamulka Galmudug  waxa ay Xildhibaanadu kursigaas udoorteen  Jawaahir Axmed Cilmi kadib tartan adag oo ay la gashay Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xildhibaanad Jawaahir, ayaa waxaa tartan adag la galay Musharrixiinta kala ah En; Xasan Maxamuud Maxamed oo helay 37 Cod iyo C/samed Macallin Maxamuud oo aan wax Cod ah helin, halka ay Marwo, Jawaahirna heshay 51 Cod.

Jawaahir Axmed Cilmi, ayaa noqonaysa Xildhibaanaddi Labaad oo Dumar ah, kuna guuleysata inay ka mid noqota Aqalka Saree ee Baarlamanka Soomaaliya, xilkaas oo ay mu metelayso Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shan xubnood ayaa Shalay ku guuleystay kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka, kuwaasoo ay ka mid ahayd Zamzam Dahir Maxamuud, oo ahayd Gabadhii ugu horreysay ee Galmudug u metesha Aqalka Sare.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.