Animation

Update: Waxbadan ka Ogow Socdaalka Wafdi Isugu jira Wasiiro, Xildhibaan, iyo Saraakiil Amisom ka socda oo Goordhaw Gaaray Dagmada….

no responses
Monday October 31, 2016 - 11:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa Maanta gaaray Magalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Masuuliyiintaasi oo u jeeddada safarkoodu ahaa si ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda dhabta ah e ka jirta Magaaladaasi iyo hareeraheeda, maadaa la sheegay inay dhawaan ka baxeen Ciidamada AMISOM qeybo ka tirsan Gobolka Bakool, islmarkaana loo geyn lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed meelihii la faarujiyay, si ay mar kale gacanta ugu galin Maleeshiyada Al-shabaab.

Masuuliyiinta Halkaasi gaaray ayaa la sheegaya in ay gaarsiiyeen Deeq Raashin ah oo loo qeybdin doono dadka Rayidka ah ee Magaalada Xudur ku Nool