Animation

Update: Wasiirkii warfaafinta Puntland Maxamuud Soocadde oo Iska Casilay Xilkii uu Haayay Maxay tahay Sababta???

no responses
Monday September 26, 2016 - 2:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirkii wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland Puntland Maxamuud xasan Soocadde, ayaa ku dhawaaqay in uu Iska Casilay xilka Wasiirnimada .

Soocadde ayaa cadeeyay in Xilkii uu ka haayay Xukuumadda C/Wali Gaas uu iska Casilay Sababo la xiriira Shaqsi ahaantiisa oo aysan jirin Cilad kale oo ku kaliftay in uu is Casilo.

Wasiir Soocadde ayaa Warbaahinta qaar u Xaqiijiyay in ay dhab tahay Is Casilaadiisa Isagoona Ku Macneeyay In uu isku Casilay Arimo isaga u gaar ah.

Warbaahinta Maamulka Puntland ka Howlgasha ayaa Maalmahan Hadal haayay Isku shaandheyn la filaayo in uu Sameeyo C/wali gaas Iyaodona ay Macquul tahay in Wasiir Soocadde uu ka mid yahay Xubno Wasiiro ah oo C.wali Gaas Xilalka ka qaadi rabay.

La soco wixii ku soo Kordhaa Insha Allah