Animation

Update: Wasiirkii Ugu Dhawaa Xasan Shiikh oo Si Kadis ah oo Maanta Uga soo Muuqday Kursiga Aqalka Hoose ee Galmudug Isagoona Guuleestay+Magaciisa

one response
Thursday November 17, 2016 - 4:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta ku guuleeystay kursiga Aqalka Hoose ee Galmudug.

C/raxmaan Odowaa ayaa ka mid ah wasiirada sida weyn ugu dhow madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana qorshaha looga dhigayo xildhibaanimada gadaal riixaya madaxtooyada Somalia.

Odawaa ayaa ku soo baxay 46 Cod,waxaana uu ka Guuleystay Egn. Dhaga-cadde oo helay 5 Cod.

Madatooyada Soomaliya ayaa Guul weyn kasoo gaadhay Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Shalay ka dhacay Magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado.

Siyaasiyiin Xlufo dhaw la ah Xasan Shiikh ayaa kusoo Baxay Inta Badan Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose taasi oo  Rajada Xasan ee Doorashada ka dhigeysa Mid Awood sii yeelaneysa Maadama Xildhibaano Dhowr ah uu ku yeeshay Aqalka Hoose.