Animation

Update:- Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo Muqdisho So garay.

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 10:02 under Somali News by admin
mqdefault

Waxaa goor dhow soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirada Arrimaha Dibada dalalka Kenya, Jabuuti iyo Uganda, kuwaasoo horu dhac u ah Madaxdooda oo goor dhow lagu wado inay soo gaaraan magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan warar aanu ka heleyno garoonka wasiiradan ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Wasiiradan ayaa loo galbiyay halka uu ka dhacayo shir madaxeedka IGAD, oo ah Hotel ku dhow garoonka diyaaradahga

Garoonka diyaaradaha ayaa ka socota qaban qaabo ku aadan soo dhoweynta Madaxda IGAD, waxaa garoonka ku sugan Madaxweynaha, safiirada Beesha Caalamka iyo Kooxda Baambeyda Muusiga oo tumi doona astaanta calanka Madaxweynayaasha imaan doona.

Sidoo kale Garoonka ayaa waxaa lagu diyaaray gabdho yar oo labisan hidaha iyo dhaqanka, kuwaasoo ubaxyo guddoonsiin doona Madaxweynayaasha IGAD.

Waxaa goor sii horeysay ka soo degay garoonka diyaaradaha diyaarado siday Ilaalada Madaxweynaha iyo gaari kuwa aan xabadaha karin.

Wariyeyaasha ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa soo sheegaya in qaban qaabada ay si heer sare ah u socoto, isla markaana la filayo in goor dhow ay soo bilowdaan diyaaradaha sida Madaxweynayaasha IGAD.

Shir Madaxeedka IGAD ee maanta ka dhacaya Muqdisho ayaa noqonaya shir madaxeedkii u horeeyay tan iyo sanadkii 1974, xilligaasoo Muqdisho uu ka dhacay shirkii Midowga Afrika oo xilligaas loogu yeeri jiray OAU.

Isha Jowhar