Animation

Update: Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta iyo Xubno kale oo kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeele

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 11:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeele ayaa Maanta axa ay dib uga bilaabatay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

Dooarshada ayaa Maalmo Hakad ku jirtay Kadib Markii Shaqaaqad ay ka dhacday  Magaalada Jowhar gaar ahaan Hoolka ay ka socotay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku guuleestay in Maanta uu dib u bilaabo Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Xubnaha Aqalka hoose ee Maanta guuleystay waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/laahi Colaad Rooble iyo Samiira Xasan C/lle.

Waxaa sidoo kale soo baxay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo 29 Cod kaga guuleystay murashixiinta la tartamaysay oo kala ahaa Bashiir Macallin Aaden iyo C/laahi Aaden Muuse.

Doorashada weli wey socotaa Waxaana Ergada ay ku guda jiraan u Codeynta Kuraasta dhiman in maanta la doorto.