Animation

Update: Waa Sidee Xaaladda magaalada Galkacyo Maxaadse Ogeyn oo Hada Ka Cusub Gudaha iyo Galbeedka Magaalada???

no responses
Monday November 7, 2016 - 7:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Saakay ka heleyno Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Xaalada Goobihii shalay lagu dagaalamay ay Daganyihiin.

Dagaal Qaraar oo qasaarihii ugu Badney sababay ayaa shalay ka dhacay Magaalada Galkacyo waxaana la xaqiijiyay Geerida 24 Ruux Halka Dhaawaca uu kor usii dhaafay 80 Ruux oo shacab iyo Ciidamadii Dagaalamay Isugu jira.

Wariyaha Kismaayo24 ee ku sugan Magaalada Galkacyo ayaa waxa uu soo sheegaya in Xaalka saakay uu yahay Mid dagan oo aysan jirin Wax Rasaas ah oo la Maqlaayo Inkasto aan la ogeyn Waxa dhici kara Maadama Labada Ciidan ay weli isku Horfadhiyaan Goobihii ay shalay ku dagaalameen.

Waxgaradka Labada dhinac ayaa Horay ugu daalay in ay Dadaalo Nabadeed ka dhex abuuraan labada Maamul waxaana dhowr mar oo hore bur buray Heshiisyo ay labada Maamul gaareen oo kii u dambeeyay oo 1-da November ay Labada Madaxweyne kusoo gaareen Magaalada Dubai ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.