Breaking News Somali News

Update: Ugu yaraan 5 ruux oo ku geeriyootay dagaal culus oo goordhaw ka dhacay qeybo kamid ah muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan is rasaaseeyn culus oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ku dhexmartay suuqa beerta jaadka ee dagmada hodan.

Is-rasaaseynta ayaa timid ka gadaal markii khilaaf uu soo kala dhexgalay ciidamada ku labisan dareeska ciidanka dowladda markii dambana gacan ka hadal isku bedelay muranka.

Inta la xaqiijiyay is-rasaaseynta waxaa ku geeriyootay 5 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.

Goob joogayaal ku sugan beerta jaadka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in rasaasta ay haleeshay dad goobta ka agdhawaay dhimasho iyo dhaawacna uu ka dhashay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ay ku dagaalamaan gudaha magaalada muqdisho iyadoona inta badan qasaaraha uu soo gaaro dadka rayidka ah.

Related posts

AMISOM hands over newly refurbished police station to police authorities in Somalia’s Jubbaland state

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Axmad Madoobe” Midowga Yurub waan uga Mahad Celineyna Mashaariicda uu ka Fulinaayo Jubbaland

admin

Daawo: Dagaal Beeleedkii ka dhacay Gobolka Sool iyo Xaaladda cawada sida ay tahay

admin