Animation

UPDATE :- Shariif Xasan oo Baydhabo ka dagay, muxuuse ka yiri shirkii madasha..

no responses
Sunday September 11, 2016 - 6:45 under Breaking News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Shirka Madasha Wadatashiga uu marayo meel wanaagsan

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo  dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa ka warbixiyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Shariif Xasan oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa waxuu sheegay in Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uu marayo meel wanaagsan.

Mr. Shariif Xasan ayaa waxuu tilmaamay inta badan qodobada Shirka Madasha la isla fahmay ayado qaarka dhimana ay meel wanagsan marayaan .

Waxuu qeexay in Ciida kadib Madaxda Dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ay isugu soo laaban doonaan Shirkaasi.

Sikastaba, Shirka Madasha Wadatashiga oo looga hadlayay arimaha Doorashooyinka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxuu ka socday Magaalada Muqdisho.