Somali News

Update: Sargaal sare oo hey’adda Nabad sugidda ka tirsan oo toogasho lagu dilay+magaciisa

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa saakay waxa ay xaafadda maana-boolyo ee dagmada shibis ku dileen sargaal sare oo ka tirsan hey’adda NISA.

Sargaalka a dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali wuxuu kamid ahaay saraakiisha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Sargaalka la dilay ayaa la sheegay in uu wadan jiray ciidamo ilaalo u ah balse saakay uu ka soo tagay ciidamadii waaridiyeen jiray sidaasna uu kula kulmay weerarka lagu dilay .

Qof kamid ah goob joogayaasha ayaa sheegay in dableey bastoolado ku hubeysan ay sargaalka dhowr xabad madaxa kala dhaceen goobtana ay ka baxsadeen mana jirto cid ilaa iyo hada loo soo qabtay dilka sargaalkaan NISA ka tirsan.

Related posts

Wafdi Ka Socda Dawladda Soomaaliya Oo Gaaray Baardheere.

Ahmed sudani

DEG DEG: Waa kuma Musharaxa ugu horeeya ee kusoo Baxay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Muqdisho ka socoto??+Sawirro

Tifaftiraha K24

Mukhtaar Roobow oo Abaabul Dagaal Kawada Gobolka Bakool

Ahmed sudani