Animation

Update: Rasaas Xoogan oo laga Maqlaayo Galbeedka Magaalda Galkacyo iyo Suuqa Magaalada Xili ay…..

no responses
Sunday October 9, 2016 - 9:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Magaaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Saaka Galbeedka Magaalada Gaalkacyo laga Maqlay Rasaas Goos Goos ah oo ay isku ridayaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Suuqa Magaalada Gaalkacyo iyo Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa Laga Maqlayaa Rasaas Xoogan kuwaasi oo Khasaaro ka Dhasheen,

Dhanka Suuqa Magaalada Gaalkacyo oo Maalmihii u Danbeeyay Daganaa Ayaa Xalay lagu Soo Daad Gureeyay Ciidan ka Tirsan Puntland Waxana Halkaasi kasoo Ridayaan Xabaddo Teel Teel Ah,

Dadka ku Nool Magaalada Galkacyo oo Fara ku tiris ah ayaa Hada ka cabsi qaba in dagaalka uu Markale qarxo waxaana Xusid mudan in dadkii ugu badnaay galkacyo ay shalay ka qaxeen Guryahooda.

Culimada iyo waxgaradka ayaa hada ku Howlan in ay kala dhexgalaan labada ciidan iyadoona la filaayo in la kala qaado Ciidanka Galkacyo isku Horfadhiya.