Animation

Update: Mid kamid ah saraakiisha NISA oo dhaawac xun uu ka soo gaaray qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay….

no responses
Sunday May 7, 2017 - 6:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax xoogan oo caawa fiidkii ka dhacay wadada makka al-mukarama ee magaalada muqdisho.

Qaraxa waxa uu ahaa nooca baabuurta lagu rakibo waxaana gaarigiisa loogu xiray sargaal ka tirsan hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka soomalia NISA.

Sargaalka qaraxa loogu xiray gaarigiisa ayaa waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Dinix, waxaana uu kamid ahaay saraakiisha NISA sida aan wararka ku helnay.

Qaraxa waxa uu dhaawac ka soo gaaray sargaalka lala beegsaday waxaana la sheegay in dhaawaciisa hada lagu dabiibaayo mid kamid ah cisbitaalada magaalada muqdisho.

Qaraxa wuxuu ka dhacay  ka soo horjeedka Hotel Maka Al-mukarama oo ku yaalla wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Xili salaadii maqrib laga soo baxay ayuu qaraxa dhacay waana mid kamid ah waqtiyada ugu mashquulka badan wadada maka al-mukarama.