Animation

Update: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Laga soo sheegaya in ay ka jirto Magaalada Caabud-waaq?? War ayaan idin kaga heynaa

4 responses
Thursday November 17, 2016 - 10:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada  Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in Xaalada Maanta ay tahay Kadib Dagaal Beeleed Qasaaro sababay uu shalay ka dhacay Magaalada.

Dagaal beeleedka ka dhacay Magaalada Caabud-waaq ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana Dagaalkooda uu salka ku hayaa Aanooyin qabiil iyo xiisado maalmahan Degmada ka taagnaa

Inkastoo Xiisadda Dagaalka laga dareemayo Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaan jirin wax Dagaal ah oo Saakay ka dhacay Magaalada,iyadoo dib loo furay Goobaha Ganacsiga ee Degmada ku yaalla.

Inta la Xaqiijiyay Dagaalkii shalay magaalada ka dhacay waxaa ku dhintay 5 Ruux oo Isugu jira Shacab iyo dhinacyadii dagaalamay waxaana Dhaawaca uu gaaray ilaa 10 Ruux.

Naleeshiyadii Diritu ay Dhexmartay ayaa la sheegaya in weli ay isku Horfadhiyaan Halkii shalay ay ku dagaalameen waxaan jirta Waan waan ay wadaan Odayaasha Labada dhinac ee Magaalada ku dagaalamaya.

Waxgaradka Magaalada ayaa Galmudug ku eedeyay in ay Indhaha ka daboolatay Waxa ka dhacaya Magaalada Caabud-waaq Ee Gobolka Galgaduud.