Animation

Update: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda leh oo laga soo sheegaya Duleedka Magaalada Kismaayo??? War ayaan idin kaga heynaa

2 responses
Monday November 21, 2016 - 7:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayaan Wararka naga Soo Gaaraya Magaalada Kismaayo  Ciidamo Ajaaniib ah oo garab ka helaya  Ciidamada Maamulka Jubaland,iyo kuwa itoobiyaha ayaa   weeraray  Degaanka Beerxaani ee Gobolka Jubada Hoose.

Degaanka Beerxaani oo qiyaas ahaan 30Km u jira Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Xarakada Al Shabaab, inkastoo ay isaga baxeen markii ay maqleen  in Ciidamo ay ku soo wajahan yihiin deegaankaasi.

Sidoo kale Ciidamada Huwanta ayaa markii ay gaareen Degaanka Beerxaani waxey soo qab qabteen tiro Dad ah, kuwaasi oo bartilmaameed u ahaa, sida mid ka mid ah waxgaradka halkaasi ku dhaqan uu sheegay.

Deegaanada ay ku sugan yihiin Xaakada Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa Duqeymo ka geysta Diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin Dalka Mareynka iyo Kenya.