Animation

Update: Maxaadan Ogeyn oo Goordhaw ka Furmay Madaxtooyada Villa Soomaliya?? War ayaan idin kaga heyna

one response
Sunday November 20, 2016 - 4:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

shirka-735x400

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu magac daray Talo-Qaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayaan talooyinkooda.

Shirka  Talo-Qaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob,  sida Amniga Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa talooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee Madashaasi isugu  yimid.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doona Sida horay loo shaaciyay Ilaa Lix qodob oo kala ah:

1. Cadaalada
2. Amniga
3. Dhaqaalaha
4. Waxbarashada
5. Caafimaadka
6. Wadanimada

Dadka ka soo qeyb-galay waxa ay ahaayeen saraakiisha Ciidammada, Khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, Siyaasiin iyo dadweyne kale. madasha Talo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah La taliyaha Madaxweynaha.

Madaxweynaha J..F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Daah-furay Madasha Talo-Qaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay Lixda Qodob ee talooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Madasha Talo-Qaran dhallinyaradii soo agaasintay, waxa uuna ka hadlay muhiimadda ay u leedahay wadatashiga iyo talo uruurinta dadka Soomaaliyeed, si ay ugu tadashadaan siyaasadda ay u degsadeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladdiisu ay mar walbaa ka go’an tahay in wadatashi ay ku saleyso Hay’ad walba, Soomaaliyana ay noqon doonto dal dhibaatooyinkii soo maray uga soo baxa wadatashi.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbaddiisa sii wata, ayaa soo hadal qaadey doorashooyinka ka socda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay horumar iyo Dimoqoraadiyad ay Soomaaliya, gaartay, hasa yeeshee waxa uu sheegay in waajib dheeri ah uu ka saaran  yahay Doorashooyinka Dowlad gobolleedyada iyo Guddiyada  ku howlan arrimahaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaammo ka bixiyey Soomaaliya sababo ay burburka uga baxday kuwaasoo ah saddex arrimood. Sida dagaalladii sokeeye, dowladihii KMG-ka ahaa iyo dhibaatooyinkii Qabiilka oo aad u sii yaraadey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed uga mahadceliyey dadaalka iyo garab istaagga dowladnimada ay u muujiyeen, waxa uu u rajeeyey in ay muddo dhow gaari doonaan dowlad  iyo shacab awood badan oo dunida carsiga ah tusaale u noqota.

Lixda Qodob ee Madasha Talo-Qaran waxaa fikradahooda ka dhiibanayey ama talooyin ku biirinayey dadkii ka soo qeyb-galay, waana madal kulmisa Talo-doonka, Talo-wadaagga iyo Talo bixiyeyaasha Soomaaliyeed.