Animation

Update: Maxaa kusoo kordhay dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiye ku xigeenka baarlmaanka……

no responses
Thursday May 18, 2017 - 9:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dhaawac soo gaaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka hirshabelle Canab C/llaahi Ciise kadib markii shil gaari ay ku gashay tuulada boorow oo qiyaastii 15-KM u jira magaalada jowhar.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka hirshabeelle waxaa shilkaan ka soo gaadhay dhaawac fudud waxaana la sheegay in gaarigii ay wadatay uu bur bur xoog leh uusoo gaadhay.

Canab C/llaahi Ciise ayaa waxa ay kusii jeeday magaalada muqdisho marka ay shilka galeysan waxaana hada xaaladdeeda caafimaad la sheegaya in ay wanagsantahay.

Magaalada jowhar ayaa dib loogu soo celiyay oo hada cisbitaalka guud ee dagmada jowhar lagu dabiibaayo xaaladdeeda caafimaad.