Animation

Update: Maxaa kusoo kordhay dagaal culus oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka….

no responses
Sunday May 21, 2017 - 12:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dagaal u dhaxeeya laba beelood oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo baar oo qiyaastii 30- KM ujira magaalada beledweyne.

Dagaalka ayaa bilowday saakay waxaana uu socday mudo iyadoona hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Dagaalka ayaa salka ku haaya aano qabiil iyo dad horay loo kala dilay waxaana jirta qasaaro ka dhashay dagaalka maanta dhacay.

Maleeshiyaad hubaysan ayaa shalay degaankaasi ku dilay Afar ruux oo laba caruur ay yihiin labana dumar ay yihiin, sidoo kale waxa ay gubeen guryihii dadkaasi ay daganaayeen.

Falkii shalay deegaanka ka dhacay ayuu salka ku haya dagaalka maanta bilowday .

Odayaasha labada dhinac ayaa hada ku howlan daminta dirirta labadan maleeshiyo beeleed u dhaxeeya sidoo kale maamulka dagmada beledweyne iyo kan gobolka hiiraan ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka.