Animation

Update: Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si Rasmi ah u Furay Shir Madaxeedka IGAD+Sawirro

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 2:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Goordhaw si Rasmi a Magaalada Muqdisho uga Furay Shir Madaxeedka IGAD .

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha kala ah Madaxweyaha martida loo yahay ee Jamhuuriyada Soomaaliya MD Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Uganda Yuveri Musafine, Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata, Raisu wasaaraha Ethiopia Helimariam Diselam, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabouti Mohamoud Ali Yousuf oo matalaya Madaxweynaha wadankaas oo cilad diyaaradii waday ku timid owgii uga baaqad, sidoo kale waxaa shirkaa ka qeyb galaya wakiilka Madaxweyne Omar Hassan Ahmed Al-Bashir oo arrima jiro uga cudur daartay ka soo qeyb galka shirkan iyo wakiis ka socdo wadanka koonfurta sudan.

Shirkan ayaa ah kii 28 ee uu yeesha urur goboleydkan tan iyo xiligii la aasaasay 1986 wana markii ugu horeysay ee shir noocan ah lagu qabto caasimada soomaaliya tan iyo wixii ka danbeyey sanadii 1974 oo shirkii madaxweynayaasha wadamada midowga africa ku yesheen caasmada.

Waxa uu ku soo Beegamaya Shirkaan xili dalka isu diyaarinayo in uu galo doorashooyinka madaxweynaha iyo tan baarlamaanka kaa oo ka kooban labada aqal.

Maanta waxaa gabi ahaan la joojiyay duulimaadyadii Rayidka ee Muqdisho Imaan jiray Maalinkasto sidaasi si lamid ah waxaa weli xiran wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

 

fb_img_1473771680852 fb_img_1473771683066 fb_img_1473771684695 fb_img_1473771686724 fb_img_1473771688506

Xuquuqda Sawirrada Cabdi Risaaq Catoosh

Facebook Comments