Animation

Update: Madaafiic loogu dabaal dagaayay madaxweyne xaaf oo ku dhacday wuqooyga galkacyo iyo qasaaro ka dhashay

no responses
Wednesday May 3, 2017 - 4:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Inta la xaqiijiyay illaa Afar Qof oo Labo ay Caruur tahay ayaa waxa ay ku dhaawacmeen wuqooyga magaalada galkacyo kadib markii gurigooda uu ku dhacay madfac habow ah oo ka yimid dhanka konfurta galkacyo kaasi oo kamid ahaay madaafiic badan oo loogu dabaal dagaayay doorashada uu kusoo baxay madaxweyne axmad ducaalle geelle xaaf.

Madaafiic iyo rasaas badan ayaa loogu dabaal dagay guusha madaxweyne geelle xaaf balse madaafiicda iyo rasaasta waxa ay waxyeelo kasoo gaadhay dad rayid ah oo wuqooyga galkacyo ee dhanka puntland ku nool.

Geesta kale hal ruux ayaa ku dhaawacmay koonfur galkacyo kadib markii rasaas wiifto ah ay ku dhacday waxaana guud ahaan tirada waxyeelada kasoo gaadhay rasaasta iyo madaafiicda loogu dabaal dagaayay madaxweyne xaaf waxa ay gaareysa ilaa 5 ruux .