Animation

Update: Kursiga Ugu horeeyo Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga oo Goordhaw la doortay

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 2:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ayaa Maanta waxa ay si Rasmi ah uga bilowdeen Magaalada Muqdisho .

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa maanta la dooran lahaa Seddex kursi oo Aqalka Hoose ah Balase Taasi ma aysan suurta galin waxaana la doortay Hal kursi oo qura.

Kursigan Beesha reer Faqi ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa ku tartamayay Musharaxiinta kala ah Khaalid Mocow C/qaadir iyo Shariif Maxamed Siidii.

Hadaba doorasho aad u adag ayaa dhacday waxaana loolanka isugu soo haray Khaalid Macoow iyo Shariif Maxamad Siidii Kadib Markii uu tanasulay Musharaxa kale ee lagu Magacaabo C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ah Guddoomiyaha Dagmada Shangaani ee G.Banaadir .

Kursiga ugu horeeyo Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga waxaa ku soo baxay khaalid Macow C/qaadir oo helay codad gaaray 29 cod Kadib Markii uu doorasho kaga adkaaday Musharax Shariif Maxamed Muxudiin oo la tartamayay waxaana uu helay Musharaxaan 21 cod taasi oo ka dhigeysa in Laga guuleestay.

Beelaha Banaadiriga ayaa Guud ahaan waxa ay Kusoo aaday 5 Kursi waxaana hada la doortay hal kursi oo Aqalka Hoose ah 4 kursi ayaana u harsan Beelaha Banaadiriga Maalinta Beri ayaana dib loo amba qaadi doonna Doorashada.