Animation

Update: Kooxo Hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dishay Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Milatariga+Magaciisa

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 7:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Kooxo Hubeysan oo Salaadii Maqrib ka dib Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dishay Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Sargaalka lagu dilay Degmada Hodan waxaa lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Degen Xerada Laanta Buuro Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

kooxaha dilka geestay oo sida la sheegay ku Hubeysnaa Bastoolad ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday waxaana meesha soo gaaray Ciidamada Amaanka oo Baadi goob u galay Kooxdii dishay Allaha ha u Naxariistee Gaashaanle sare Siyaad Axmed Maxamed.

Habeen ka hor ayey aheyd Markii kooxo Hubeysan ay Dagmada Waabari ku dileen Sargaal ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA .