Animation

Update :- Itobiya oo manta samaysay arin taarikhi ah

no responses
Sunday September 11, 2016 - 6:27 under Breaking News by admin
mqdefault

Dawladda Itoobiya ayaa cafiday boqolaal maxaabiis ah iyada oo uu dalku u dabaaldagayo sanadka cusub ee Itoobiya iyo ciida Carafo.

Maxaabiistaas badankoodu waa Muslimiin ka qayb qaatay dibad bax dawladda lagaga soo horjeeday oo dhacay afar sano ka hor.

Dadka la cafiyay waxaa ka mid ah Yusuf Getachew, oo tifaftire ka ahaa wargays arrimaha Muslimiinta ka hadla.

Sanadkii hore 2015 ayaa lagu xukumay 7 sano, kaddib markii lagu helay argagixisanimo.

Maxaabiis badan oo siyaasadda u xiran ayaase wali xabsiyada ku jira, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii la xiray markii ay dhaceen dibad baxyadii waawaynaa ee dhawaan lagu diidanaa dawladda.

Dowlada Itobiya ayaan horay loga baran in ay si sahlan ku cafiyaan maxaabiista ay qabtaan ayado taa badalkeeda lagu edeeyo in Xabsiyada Itobiya ay yihiin kuwa dadka si weyn logu ciqaabo.