Animation

Update: Hey’adda Culimada Soomaliyed oo Baaq ka soo saaray Colaada Galkacyo

no responses
Saturday October 8, 2016 - 9:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dagaalka ka dhacay Gaalkacyo, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loo baajin lahaa dagaal kale oo halkaasi ka dhacay.

Sheekh Bashiir ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo isagoo ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta colaadda u dhexeysa dadka ehelka ah ee wada dega magaaladaasi.

Wuxuu ku boorriyay dowladda Federaalka waxgaradka, culimada iyo guud ahaan qeybaha bulshada iney iska kaashaan una istaagaan sidii meesha looga saari lahaa colaaddaasi soo laab laabatay.

Sheekha ayaa ka digay cuquubada ka dhalan karta dadka abriyada ah ee lagu barakicinayo dagaaladaasi iyo kuwa waxyeeladu ka soo gaareyso, wuxuuna ku celceliyay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadda