Animation

Update: Guddoomiye Jawaari iyo Wafdigiisa oo Jowhar lagu soo Dhaweeyay Muxuuuse Halkaasi uga qeyb galaya Jawaari???

no responses
Thursday October 13, 2016 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu Hogaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa Maanta waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

Guddoomiye Jawaari waxaa si diiran loogu soo Dhaweeyay Garoonka diyaaradaha iyadoona loo gudbiyay Hoolka uu ka socda Shirka Maamul u Sameynta.

Prof:Jawaari iyo xubnaha ku wehliya Safarkiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe , masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaannada Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu qorshahoodu yahay ka qayb galka doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo ku xigeennadiisa oo Maanta lagu wado inay halkaasi ka dhacdo.

Waa markii ugu horeysay ee guddoomiye Jawaari uu yimaado magaalada Jowhar tan iyo markii loo dhaariyay xilka guddoomiyaha baarlamaanka.