Update: Guddiga Doorashada oo si Rasmi ah ugu dhawaaqay in Prof Jawaari uu Cod Aqlabiyad leh ku guuleestay Akhri Natiijada Codadka

0

Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha golaha Shacabka in uu ku guuleystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.

Ilaa Afar Musharax ayaa u tartameysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya waxaana ay kala yihiin :

1- Musharax Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari

2- Musharax C/rashiid Maxamad Xidig

3- Musharax Cabdifataax Ibraahim Geeseey

4- Musharax Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Hadaba Najiida Codadka ay kala heleen Musharixiinta ayaa sidaan u dhacday.

Gudd ahaan 259 Xildhibaan ayaa Codeysay Labo cod wey halaabeen.

Musharax Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari wuxuu helay 141 Cod.

Musharax C/rashiid Maxamad Xidig wuxuu helay 96 Cod.

Musharax C/Fataax Ibraahim Geeseey wuxuu helay 17 Cod.

Musharax Idiris Cabdi Dhakhtar  wuxuu helay 2 Cod.

Doorashadiina waalasoo gaba gabeeyay Maalinta beri ayaana la filaya in Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ay dhacdo.