Animation

Update: Faarax C/qaadir Wasiirka Amniga iyo Siyaasiyiin kale oo ku Guuleestay Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka socota

2 responses
Wednesday November 16, 2016 - 12:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

k24

Iyadoo wajiga koowaad ee doorashada aqalka Hoose ay  ka socoto  magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle,ayaa  waxaa soo baxaya xildhibaanadii u horeeyay ee ku guuleystay Baarlamaanka Soomaaliya.

Wajiga 1-aad oo loo tartamayo   13 kursi oo aqalka Hoose ah,waxaa ku soo baxay

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono.

Xildhibaan  Faarax Sheekh C/qaadir —-Madaxtooyada Soomaliya 

Xildhibaan  C/laahi Maxamed Cali (sanbaloolshe) Madaxtooyada soomalia

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed—-  Madaxtooyada soomaliya 

Masuuliyiinta ayaa Qaarkood waxa ay Xulufo dhaw la yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh waxaana Muuqata in Madaxtooyada Soomaliya ay ku Guuleesatay Kuraastii ay ka dooneysay Aqalka Hoose ee Hirshabeele.

Xasan Shiikh ayaa Xildhibaanadii ugu Badnaay ku yeelana Aqalka Hoose ee Hirshabeele waxaana sida Muuqata xildhibaanadii ay yihiin Taageerayasha Xasan shiikh.