Animation

Update: Faah Faahin dheeri ah Qaraxii ka dhacay Nawaaxiga Suuq Bacaad ee Dagmada Yaaqshiid

no responses
Monday October 10, 2016 - 11:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheerad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Gaari Noociisa uu yahay Saaruf oo ku Warxay Meel u dhaw Suuq Bacaad ee Dagmada Yaaqshiid.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay ka hor Qaraxa in ciidanku ay qabteen Gaariga iyo Ruux waday, markii danbana Gaariga uu Qarxay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir in Gaarigu uu Qarxay intii Ciidanka Ammaanka ay ku Howlanaayeen in Gaariga ay ka furaan Qaraxa.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Qaraxa ay ku dhaawacmeen Afar Qof oo dhamaantood ah dad shacab ah kuwaasi oo ka dhowaa halka uu ku Qarxay Gaariga.

Wadihii Gaariga ayaa Hada Gacanta ugu Jira Ciidanka NISA Waxaase wararka qaar ay sheegayan in Ninkaan ay NISA qabatay uu la socday Nin kale oo isna Bistoolad isaga caabiyay Ciidanka sidaasana uu ku baxsaday.