Animation

Update: Dowlada soomaliya oo soo bandhigtay tirada Saraakiisha iyo Askarta looga dilay dagaalkii ka dhacay Tixsiile iyo War-maxan

no responses
Sunday February 12, 2017 - 5:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaannada Tixsiile iyo Warmaxan oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Inta la ogyahay dagaalka waxaa ku geeriyooday 10-Qof sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 10-Ruux oo kale, sida SONNA u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka gobalka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle Yuusuf.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

“Dhankeena waxaa jira labo sargaal oo ka mid ah saraakiisha dowladda oo ku geeriyooday dagaalka, laakiin dhanka kale waxaan khasaaro badan gaarsiinay Maleeshiyada weerarka soo qaaday.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobalka.

Cabdifitaax Cabdulle ayaa sidoo kale tilmaamay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka oo aysan u suurta galin damacoodii ahaa inay qabsadaan deegaannadaan.

Deegaannada Tixsiile iyo Warmaxan ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidanka xoogga dalka, waxaana sidoo kale haatan deggan xaalada deegaannadaasi.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.