Animation

Update: Diyaarad qaas ah oo soo qaadi doonta shiikh mukhtaar roobow oo hadda muqdisho ka duushay

no responses
Sunday August 13, 2017 - 11:33 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar aynu hada ka heleyno magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in daqiiqado yar ka hor magaalada muqdisho ay ka duushay diyaarad gaar ah oo ku wajahan magaalada xudur.

Diyaaraddaan ayaa waxaa ay dagmada xudur ka soo qaadi doonta shiikh mukhtaar roobow abuu mansuur oo saakay isku soo dhiibay maamulka koonfur galbeed soomalia.

Dagmada xudur waxaa hada ku sugan wasiirka amniga soomalia iyo taliya ku xigeenka NISSA waxaana ay kulan la leeyihiin roobow abuu mansuur oo saakay soo gaaray xudur.

Warar ayaa sheegaya in shiikha loo soo kaxeyn doono magaalada muqdisho oo ay ku suganyihiin mas’uuliyiinta dowladda federaalka soomalia.

Madaxweynaha koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan oo ku sugnaay magaalada muqdisho islamarkaana maanta lagu waday in uu baydhabo gaaro ayaa baaqday wuxuuna muqdisho ku sugaya in uu ka qeyb qaato soo dhaweynta roobow mansuur oo muqdisho kusoo wajahan.

Is dhiibida shiikh mukhtaar roobow abuu mansuur oo mar soo noqday hogaamiye ku xigeenka alshabaab iyo afhayeenkii kooxdaasi ayaa timid ka gadaal markii alshabaab ay dhawaan dagaal ku qaaden deegaanka uu ku sugnaay shiikha waxaana taasi ay soo da dajisay in uu isku soo dhiibo dowladda federaalka.