Animation

Update: Dhageyso Galmudug oo Sheegtay in Diyaarado Dagaal ay ka qeyb qaateen Dagaalkii Saakay ka dhacay Duleedka Galkacyo

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 8:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Saakay Dagaal Culus uu ka Qarxay Duleedka Magaalada Galakcyo ee Gobolka Mudug kaasi oo ud ahxeeya Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa soo baxaaya Warar sheegaya in Dagaalka ay ka qeyb qaateen Diyaarado dagaal oo Dowlada Mareykanka ay leedahay.

Kuxigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed oo ku sugan Bariga Gobolka Mudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Diyaarado Dagaal oo ay u maleynayaan in Mareykanka uu leeyahay ay Duqeyeen Saldhig Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Aagga Godod.

Duqeynta waxaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Galmudug Halka sidoo kale ay ku dhaawadmeen Tiro tobaneeyo kor u dhaafaya.

ku Xigeenka Duqa Dagmada Galkacyo ayaa sido kale sheegay in Duqyen uu ku gubtay Gaari dagaal oo Galmudug ay leedahay isagoona shegay in ay tuhmayaan in Diyaaradaha Duqeynta geestay ay yihiin Diyaarado Mareykanka uu leeyahay.

Saraakiil u hadashay Maamulka Puntland waxa ay sheegen in Duleedka Galkacyo ay kula dagaalameen Dagaal yahano ka tirsan Alshabaab balse aysan jirin dagaal ay la galeen Galmudug sida saraakiisha Puntland ay Hadalka u dhigen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka ku xigeenka Duqa Galkacyo