Animation

Update: Dhageyso Dagaal Culus oo dib uga qarxay Deegaanka Godinlabe Iyadoo Madaxweyne Guulled uu Halkaasi ku suganyahay

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 3:39 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay ku waramayan Warar Goordhaw aynu ka helnay Deegaanka Godinlabe Dagaal Culus ayaa Markale dib uga qarxay Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Iyadoo Halkaasi uu ku suganyahay madaxweynaha Galmudug .

Dagaalkaan ayaa Bilowday ka gadaal Markii ay Ciidanka Ahlusunna ay weerar kusoo qaadeen Halka uu Magaalada kaga suganyahay Madaxweynaha Galmudug.

Rasaas Culus ayaa laga maqlay Bartamaha Magaalada oo ay ku wada suganyihiin Labada Ciidan waa Ciidanka Galmudug iyo Maleeshiyo Taageero ka helaaya Ahlusunna.

Warar ay heleyso k24 ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu si deg deg ah Magaalada uga soo baxaayo maadama xaalada ay aad u adkaatay oo dagaal uu ka qarxay deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug waxaa la socda Ciidamo aad u badan Waxaanse la ogeyn in Ciidanka C/kariim wata ay dagaalka ku biireen iyo Inkale .

Dadka deegaanka ayaa aad uga baqdin qaba in waxyeelo ay ka soo gaadho Dagaalkaan Markale dib uga qarxay Godinlabe.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka