Animation

Update : Dhageyso Ciidanka Itoobiya iyo Kuwa Dowlada oo isaga Baxay Deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Alshabaab oo…..

no responses
Thursday September 15, 2016 - 7:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaliya ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Amisom ee Itoobiya iyo Kuwa Dowlada Soomaliya ay faarujiyeen Deegaanka Muqokori ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka Moqokori  ayaa sheegaya in saakay ay ku waabariisteen gaadiidka gaashaaman oo ka sii baxaya magaalada, una jiheystay dhanka degmada Maxaas.

Mas’uuliyiinta Degaanka Muqokori ayaa sheegay in Bixitaanka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya aysan ku wargalin islamarkaana ay ka War heleen iyagoo Faarujiyay Fariisimihii ay ku lahaayeen Degaanka Muqokori.

Wararka qaar oo laga helaayo deegaanka moqokori ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Moqokori, saacad kadib markii ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka Amisom ayaa waayadaan Dambo waxa ay Bilaabeen in ay Faarujiyaan Fariisimo ay kaga suganyihiin Deegaano ku yaala Gobolada Dalka waxaana ka bixitankooda Muqokori uu ku soo beegmaya iyadoo Mudo yar un k dib ay Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen Deegaanka Bud Bud ee Gobolka Galgaduud.