Animation

Update: Dhageyso Alshabaab oo Markale Cawada la wareegay Deegaanka Goof-gaduud oo Ciidamada Huwanta Isaga soo baxeen Kadib Markii la sheegay in….

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 7:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in Cawada Fiidkii ay Halkaasi Isaga Baxeen Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo Maalin ka hor Dagaal kula wareegay Deegaanka.

Ciidamada Huwanta ah oo wata Gawaari Dagaal ayaa ka soo baxay Goof-gaduud oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayan in Ciidanka ay soo galeen Magaalada Baydhabo Iyadoona saraakiisha Ciidamada Dowlada ay Xaqiijiyeen in gabi ahaan ay kasoo Baxeen Deegaanka Goof-gaduud.

Kadib ka bixitaanka Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom Alshabaab aya la sheegay in Durbadiiba ay Magaalada soo galeen oo Gacan ku heynteeda ay la Wareegeen.

Korneel C/laahi Sheekh Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in Ciidamada Huwanta ay Faarujiyeen Guud ahaan Deegaanka Goof-gaduud Isagoona dhanka kale xusay in Magaalada ay qabsadeen maleeshiyada Alshabaab oo Magaalada Duleedkeeda ku sugnaay.

Xaaladda Deegaanka lama Oga waxa ay Cawada ka sugantahay Maadama Shabaabku ay magaalada gudaha usoo galeen Xili habeena ay tahay oo Xaaladda aan laga war heyn karin Sababo Amni darteed.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Korneelka