Animation

Update: Dhageysiga Dacwada Badda ee Maxkamadda Hague oo fadhigeedii Maanta soo idlaaday Maxaa Xigi doona???+Sawirro

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 1:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Fadhigii Maalintii labaad Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ka socoday dhageysiga dacwadda dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo idlaaday.

Guddiga sharci yaqaanada ah ee ku matalaya difaaca dacwadda badda ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay maxkamadda ka hor jeediyeen cadeymaha ay kaga jawaabayaan doodda Dowladda Kenya ay shalay Maxkamadda ka hor jeedisay.

Wararka ayaa sheegaya in dhageysi kale oo ay Maxkamaddu ka yeelanayso dacwad badeedda lagu muransan yahay ayaa la filaa inuu qabsoomo maalinta berrito oo arbaco ah. si loo sii ambaqaado arrimahaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uga hadlay arriintaasi bogga uu ku leeyahay baraha Bulshada waxaana uu yiri “Waxaan si dhab ah ugu kalsoonahay in murranka baddeena la galliyay aan ku guulaysan doono. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballanqaadayaa inaanan wax tanaasul ah ka sameyn doonin doodda ku saabsan xuduuda baddeena”.

dacwad-icj-1 dacwad-icj-2 dacwad-icj-3 dacwad-icj-4 dacwad-icj-6