Animation

Update: Dagaal xoogan oo ka qarxay magaalada jowhar iyo wararkii ugu dambeeyay oo sheegay in ay ku dhinteen…..

no responses
Monday April 24, 2017 - 1:13 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada jowhar ayaa waxa ay sheegayan in xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba beelood ay ka taagantahay deegaano hoostaga dagmada jowhar.

Deegaan lagu magaacbo birimo oo hoostaga dagmada jowhar ayaa waxaa la sheegay in ay ka jirto colaad beeleed laba qabiil u dhaxeysa kuwaasi oo halkaas wada daga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaad labada beeleed ku kala abtirsada in ay ku dagaalameen tuulada birimo oo jowhar hoostagta.

Dagaalka waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad rayid ah oo deegaanka ku nool waxaana qaarkooo dadkaas loo beegsaday heebta beesha ay ka dhasheen.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan waxaana uu sheegay in dadka tuulada ku nool ay walwal ka qabaan in aar gudasho aano qabiil ah ay ka dhacdo tuulada.

Dagaalka waxaa uu salka ku haaya aano qabiil oo laba beelood ka dhex taagan waxaana saameynta ugu badan ay ku yeelatay dadka rayidka ah ee loo bartilmaameedsanaayo heebta beesha ay ka dhasheen oo dirir kala dhaxeyso beesha kale.

Waxgarad iyo culimaa’udiin ayaa hada ku howlan daminta colaadaan soo cusboonaatay waxaana xusid mudan in maamulka gobolka shabeellada dhexe uusan weli ka hadlin dagaal beeleedkaan .