Animation

UPDATE:- Dagaal faraha loga gubtay oo Gobolka Gedo ku dhexmaray…

no responses
Saturday September 10, 2016 - 7:14 under Breaking News by admin
mqdefault

Wararka laga helayo Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal khasaaro geystay uu Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray Degaanka Reeso qiyaas ahaan 45Km u jira Degmada Buurdhuubo.

Ilo ku sugan Degmada Buurdhuubo ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan la ogeyn in uu la egtahay khasaarahaasi.

Dhinaca kale, Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Buurdhuubo, Cismaan Nuux Xaaji ayaa tilmaamay in Dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan Degaanka Reeso.

Taliye Cismaan ayaa xusay in ay Dagaalkaasi ay khasaaro ku gaarsiiyeen Dagaal yahanada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Dagaalkaasi.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidamada Dowlada waxey siyaabo kala duwan ugu Dagaalamayeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.