Animation

Update: Dagaal culus oo duleedka kismaayo ku dhexmaray ciidamo ajaanib ah iyo kuwa shabaab

no responses
Monday August 14, 2017 - 12:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ciidan Ajaanib ah lagu weeraray duleedka Kismaayo.

Xoogag ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay ciidamadan inay weerar jidgal ah u dhigeen ciidamadan oo dhaq dhaqaaq ciidan ka waday duleedka degaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay inay la socdeen Saraakiil Cadaan  Mareykan, kuwaasi oo sahanka ciidanka ay ku guda jireen qayb ka ahaa, waxaana sahminta ciidan ay ka socotay duleedka Buulo Gaduud.

Facebook Comments