Animation

Update: Cumar C/Rashiid oo Galkacyo Gaaray Xili weli la sugaayo Madaxweynaha Galmudug oo ku Xayiran Xaafada Baraxley ee Magaalada Galkacyo

one response
Saturday November 12, 2016 - 11:18 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Rasiul wasaaraha Xukuumada Federaalka iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa hada ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Galkacyo.

Raisul wasaare Sharmaarke waxa uu qeyb ka yahay masuuliyiinta ka qeyb galeysa Kulan lagu dhex dhexaadinaayo Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland iyo in la joojiyo Colaada Galkacyo oo heshiis waara laga gaadho.

Hada waxaa Garoonka diyaaradaha ku sugan Madaxweynaha Galmudug iyo Ergada Beesha Caalamka ka socota Iyadoona weli la sugaayo Madaxweynaha Galmudug.

Warar soo baxaya oo k24 ay heleyso ayaa waxa ay sheegayan in Raisul wasaare Sharmaarke uu u gudbay Dhanka Koonfurta Magaalada Galkacyo Halkaasi uu kula soo kulmi doono Madaxweyne Guulled oo sida la sheegay Carqalad kala kulmay Maleeshiyo Galmudug ka soo jeeda oo diidan in Madaxweynaha uu ka qeyb galo Kulanka ka dhici doona Wuqooyga Magaalada Galkacyo.

Si kastaba Madaxweynaha Galmudug ayaa Hada loo Xayiranyahay Kulankana isag ayaa ka maqan waxaana Kulanka lagu Madalsanay in uu furmo 2 duhurnimo iyadoo hada qadar Daqiiqado ah ay Saacada kasii Gudubtay.