Animation

Update: Ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo Weerar ku qaaday Deegaanka Godinlabe Kadib Markii halkaasi laga soo sheegay in….

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 3:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in Ciidanka Galmudug ay Weerar ku qaadeen Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Halkaasi oo ay Jidgooyo dhigteen Koox Burcad ah.

Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug iyo Dableeyda Isbaarada dhigatay Degaanka Godinlabe ayaa waxaa dhexmaray Dagaal Kooban ,waxaana la sheegay in Weerarka Ciidamadu ay ku qaadeen Maleeshiyaadka ay ku dhaawacmeen Dad Shacab ah.

Inta la xaqiijiyay Iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhimatay 3 Qof oo ka mid ahaa labadii dhinac ee Dagaalantay, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ayaa sheegay in Maleeshiyada Isbaarada dhigtay ay u baxsadeen dhanka Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Nabad Sugida Galmudug ayaa Ugu Dambeyn waxa ay ku guuleysteen in Jidgooyada ay qaadaan .