Somali News

Update: Ciidamadii ugu badnaay oo Alshabaab ah oo duleedka Muqdisho soo dhoobtay iyo Dagaal culus oo qarxay

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal cawada maqribkii ka bilowday duleedka magaalada caasimadda ee muqdisho.

Dagaalka waxa uu bilowday ka gadaal markii xoogag ka tirsan alshabaab ay weerar culus kusoo qaadeen saldhig ciidamada amisom ay ku leeyihiin deegaanka arbacoow oo hoostaga ceelasha biyaha duleedka muqdisho.

dad goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaasta noocyadeeda kala duwan oo dagaalka la isku adeegsanaayay iyadoona shabaabku ay madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidamka amisom ee arbacow.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka aan ka helnay uu sheegaya in xaaladda ay tahay mid dagan .

Dagaalka waxaa uu kusoo aadaya iyadoo saacado kooban ay ka harsantahay doorashada madaxweynaha oo beri ka dhici doonta magaalada muqdisho,

Related posts

India oo gataalo ku weerartay Pakistan iyo Pakistan oo..

admin

Dhagayso:- Xukuumadda Somalia oo shaacisay in aysan Aqonsanayn Maamulka Bakool Sare

admin

Update: Maxaa kusoo kordhay ciidamo gadoodsan oo la wareegay madaxtooyada cadaado kuna qabsay xaashi carabey in uusan……

Tifaftiraha K24