Animation

Update: Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo Hada Gudaha u galay Deegaanka Goof-gaduud oo Saakay ay la Wareegen Alshabaab Maxaase hada ka Cusub Deegaanka????

no responses
Sunday October 30, 2016 - 2:01 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ay Dib ula wareegeen Deegaanka oo Saakay Alshabaab ay Ciidamada Dowlada dagaal uga saartay.

Ciidamada Huwanta ayaa Dagaal la galay alshabaab iyadoona Markii dambo Huwanta u suurta gashay in Markale ay Gacanta ku dhigeenka Deegaanka Goof-gaduud

Taliye Ku Xigeenka Booliska gaarka ee Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case) ayaa sheegay in Shabaabka dagaal looga saaray Goofgaduud.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa isaguna sheegay in dagaalka uu gaystay khasaaro labada dhinac ah Isagoona xusay in Ciidamada Dowlada Dagaalka looga Dilay Afar Askari Halka Shabaabna ay ka dileen ilaa 8 Dagaalamayaal ah.

Xaaladda Deegaanka Goof-gaduud ayaa Hada dagan waxaan Gacanta ku haaya Ciidamada Dowlada oo garabsanaya Kuwa Amisom .