Animation

Update: Cabdi Axmad Dhuxuloow Dhagdheer oo loo doortay Kursiga Aqalka Sare ee Galmudug

no responses
Saturday October 15, 2016 - 12:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa weli Magaalada Cadaado ka socda Doorashada Xubnaha u tartamaaya Kamid Noqoshada Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaliya.

Xildhibaanada Galmudug Hada waxa ay u Codeeyeen Xildhibaan Cabdi Axmad Dhuxuloow Dhagdheer in uu ka mid Noqdo Xildhibaanada Aqalka sare.

Xidlhibaan Dhagdheer Waxaa uu la Tartamaayay Haweeney lagu magacaabo Luul Maxamed Sheekh Cusmaan oo uu dhalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladihii Dalka soo maray.

Dhagdheer wuxuu Noqonaya Xildhibaankii Seddexaad ee usoo baxa Doorashada Xubnaha Aqalka sare waxaana kasii Horeeyay Xildhibaan Cabdi qeybiid iyo Xildhibaan Abshir Bukhaari.

Galmudug Waxaa Aqalka sare kaga soo aaday 8 Xubnood wuxuuna Aqalka guud ahaan ka koobanyahay 54 Xubnood oo loo qeybiyay Maamulada Dalka oo dhan.

Doorashada weli wey socotaa Waxaana Xusid mudan in Galmudug ay Noqotay Maamulkii Ugu Horeeyay ee Bilaabay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Waxaana hada laga dhursagaya Xildhibaanada in ay soo Doortaan Xubnaha haray oo 5 Xubnood ah.