Animation

Uhuru kenyatta oo qorsha aan caadi aheyn hordhigay qaramada midoobay kaasi oo soomalia ay….

no responses
Tuesday May 9, 2017 - 12:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo kulan la qaatay Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Peter Thomson ayaa sheegay in Qaramada Midoobay looga baahanyahay inay kordhiyaan maalgalinta dadaalka lagu xasilinayo Soomaaliya.

Uhuru ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay in ay sameeyaan dadaal badan si ay u taageeraan ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Waxa uu xusay in taasi ay u sahlaysaa ciidanka in ay door weyn ka qaataan taageerada dowladda ee dalka si loo soo afjaro khataraha argagixisada.

Madaxweynaha Kenya ayaa yiri Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale siiyaan lacag dheeraad ah si ay dowladda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan si loo xaqiijiyo ammaanka dadkeeda.

“Midowga Yurub ayaa si adag u shaqeeyey shaqadoodana waa laga mahad sheegtay laakiin ugu dambeyntii Qaramada Midoobay ayaa ka masuul ah si ay u taageeraan howlgalka,” ayuu yiri.

Hadalada Uhuru ayaa imaanaya ka hor shirka Saddexaad ee London oo ku saabsan Soomaaliya, taasoo uu la qorsheeyay inuu ka qayb gali doono madaxweynaha Kenya bisha May 11 keeda.