Animation

Uganda oo Soomaaliya U Soo Direysa Taliye Cusub

no responses
Thursday September 17, 2015 - 9:32 under Somali News by admin
mqdefault

Dowlada Uganda ayaa Soomaaliya u soo direysa Taliyaha Cusub Ee Dhawaan loo soo Magacaabay Kooxda 16 aad Ee Dagaalka kula jirta Al Shabab Kornel Peter Emola.

Warsaxafadeed ay soo saaren Ciidamada Difaaca Uganda ayaa lagu sheegay in Kornel Peter Emola uu badalayo Kornel  Bosco Mutambi.

Mutambi ayaa shaqada looga joojiyay Weerarkii Al Shabab ay ku dilen 12 Askari oo Dalka Uganda u dhalatay oo ka dhacay Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliyaha dhawaan lagu badalay Mutambi oo lagu Magacaabo Kornel Peter Emola ayaa hore ula soo shaqeeyay Ciidamada AMISOM intii u dhaxeysay 2012 ilaa iyo 2013kii.