Uganda Oo Shiinaha ugu Baaqday In Muddo Kordhin Loo Sameeyo Ciidamada AMISOM.

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda Ruhakana Rugunda ayaa kadalbay Dowladda China in ay Gacan kagaysato daalada lagu Nabadeynayao  dalalka Somalia iyo South Sudan,

Kadib kulan ku dhexamray Kampalla  Asaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Shuuciga ah ee dalkaasi China Wang Yang ayuu ka sheegay in China aan looga maarmi doonin  Marka ay Timaado ka Qeyb qaadashada  Xalinta Ammaanka  dalalkani.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa ugu baaqay dowladda China ay kucaawiso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sidii Qaramada midoobay  ay ugu noqon lahayd Qorsheheeda ku Aadan Dhisidda ciidamada AMISOM  ee ka howlgala Somaliya.

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa saluugsan Qorshaha Qaramada Midoobay ee ku  Aadan ka bixitaanka Ciidamadooda Somalia xiligani iyagoona ku celceliyay Cawaaqib xumo kadhalandoonta Qorshahaasi Hadii aan wax laga badalin islamarkaana ay  Saameyn doonto Guulo Miro dhal ah  oo ay sheegeen in ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al Shabaab .

Qaramada Midoobay  ayaa horey u meel marisay Qaarar Qeexaya kabixitaanka Ciidamaad AMISOM ee ka howlagla Somalia iyo in ay guud ahaan Aaamalka dalka ku wareejiyaan Ciidamada dowoladda Somalia.