Breaking News Top News

Uganda oo ay ka socoto cod bixinta doorashadii dalkaas

Waxaa Saaka oo Khimiis ah dadka reer Uganda ay u dareereen goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan dowladdii hoggaamin lahayd dalkaas shanta sano ee nagu soo aadan

Doorashadaan oo goobaha cod bixinta la furay saaka 7:00 am ayaa waxaa la soo dooran doonaa madaxweyne, golaha Baarlamaanka iyo hoggaamiyaasha deegaamada.

Sideed qof ayaa doorashadaan madaxweynenimo  isku soo taagay oo ay ku jirto haweenay, waxaase ugu caadcad saddex murashax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada dalka haya waxayna kala yihiin:

Yoweri Museveni – Madaxweynaha Dalka ahana madaxa xisbiga NRM

Kizza Besigye-  Madaxa xisbiga FDC

Amama Mbabazi– Raysal wasaare Horre ee Uganda, ahna madaxa xisbiga Independent

waxaa hadda si habsami leh uga socota dalkaas cod bixinta doorashada , waxaana la rajayn in la soo bagabeeyo galabta saacadda bariga Africa marka ay tahay 16:00 pm. dhanka kale guud ahaan ammaanka dalkaas ayaa la adkeeyay iyadoona la diyaariyey ciidamo ka hor tagaya haddii wax rabshaa dhacaan.

Related posts

Daawo: Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo

admin

israa,iil maxay ka dhaheen Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ee sida qaldan ugalay dhulka ay heysteen

admin

Dhagayso:- Waraysi Musharax Guureeye oo taageeray kala diristii guddiga farsamada

admin